Faa’idooyinka Caafimaad Ee Basbaaska
Bas-baaska wuxu qani kuyahay oo aad ugu badan vitamin C taas oo kadhigan 100 gram oo bas-baas ah waxa kujiro VitaminC = 144 milligrams oo u dhiganto 173% xaddiga vitamin C jirku ubaahanyahay maalintii : Reference Daily Intake (RDI)
Sidoo kale waxa kujiro fiitamiin B6 = 0.51 mg u dhiganto 40% (RDI) Iyo macdanta = Iro , Magnesium , Potassium
Basbaaska waxay leeyihiin
faa'iidooyin badan oo la xidhiidha isticmaalkooda. Waxay leeyihiin nafaqo badan
oo wanaagsan waxaana ku yar kalooriyooyinka taasoo ka dhigaysa cunto aad u
wanaagsan. Dhammaan noocyada kala duwan ee basbaaska ayaa loo isticmaalaa sidii
looga heli laha fiitamiin A iyo fiitamiin C, folic acid, fiber, iyo potassium.
Intaa waxaa dheer, waxay kor u qaadaan cuntada oo ay ka dhigaan kuwo dhadhan
fiican leh oo dadka ku raaxeystaan.
Basbaasku wuxu ku yimaadaa
qaabab kala duwan, cabbirro, midabyo iyo sidoo kale dhadhanka way ku kala
duwanaan karaan. Waxa kale oo jira noocyo kala duwan oo basbaas ah sida, kuwa la
qalajiyey, , qasacadaysan ama la qaboojiyey. Qaarkood waxay ku leeyihiin kulayl
halka kuwa kalena ay macaan yihiin. Basbaaska wuxuu u kala baxaa, tusaale
ahaan, cagaar, jaalle, casaan ama cagaar.
80 g oo ah basbaaska cas
ayaa laga helaa:
·
17 kcal/71KJ
·
0.6g oo borotiin ah
·
0.2g baruur
·
3.4 g oo karbohaydrayt ah
·
1.8 g oo fiber ah
·
173 mg oo ah potassium
·
60mcg oo ah folate
·
101 mg oo fitamiin C ah
Kasakow inay jirto
fikrado ah in bas-baasku uu ka qayn qaato gaas-calooleedka iyo laab-jeexa/
laab-hurka maado kujirto bas-baaska oo layiraah capsaicin waxay keentaa dareen
ah hur/gubasho sidoo kale maadada
capsaicin waxay keentaa in calooshu soo dayso aashito (acid) badan taas oo
keeni karto gaas-calooleed
taas kacsigeeda fiitamiinada muhiimkaa ee kujiro bas-baaska waxay kaq ayb qaadan karaan in difaaca jirku la dagaalamo wax yaalaha ilmo aragtada ah sida bakteriyada keento gaas-calooleedka ee layiraah H. pylori
1. Wuxu xoojiyaa dhifaaca jirka = xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro wuxu sare uqaadaa difaaca jirka (immunity system) arintaas oo aad ugu muhiimsan wakhtiya uu dilaaco virus-ku .
2. wuxu la dagaalamaa caabuqa iyo infekshanka ,khaasatan kuwa ku dhaco Neef-mareenka /sanbabada : xaddiga aadka ubadan ee kujiro fiitamiin C sidoo kali fiitamiin A (beta-Carotene) waa antionxydant tasoo macnaheedu yahay wuxu ladagaalamaa oo jirka kasaara waxyaalaha sunta ah ee kadhasho falgalada khaldan ee ka dhexdhaco jirka .
3. Wuxu u fiicanyahay dheef shiidka : maadada fiitamiin B6 ee ku jirto waxay ka qayb qaadataa burburinta iyo dheef shiidida cuntada.
4. Yareynta Miisaanka Jirka : maadada capsaicin cilmi-baaris caafimaad ayaa sheegayso inay hoos u dhigto miisaanka.
5.wuxu u fiicanyahay maqaarka : vitamin C wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.
6. wuxu horu mariyaa caafimaadka maskaxda iyo shaqada neerfaha : wax kujiro Vitamin B6 oo ka qayb qaato samaaynta fariin sidayaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid.
7. Waxa lagu taliyaa
inaysan isticmaalin bas-baadka dadka qabo gaas-calooleedka iyo
laab-jeexa/hurka.
8. Waxay kor u qaadaa Caafimaadka Wadnaha
Basbaaska wuxuu caawiyaa hab-dhiska wareegga dhiigga waxa kale
oo ka hortagtaa wadne xanuunka iyada oo hoos u dhigaysa kolestaroolka dhiigga
ee serum waxa aanay hoos u dhigtaa kaydka dufanka, sidaa awgeed, waxa ay
beddeshaa xinjirowga xad dhaafka ah ee dhiigga. Waxa kale oo ay ballaadhisaa
xididdada dhiigga si ay u caawiso socodka dhiigga.