Sida Ugu Fudud Ee loo Barto Xifradda Muuqaal Sameynta




Hadii aad u bahantahay in aad baratid xifrada Sameynta waxaan qormadaan kuugu sharxi donaa sida ugu fudud ee loo baran karo xifrada muuqaal sameynta (Video Editing) sido kale hadii aad baratid xifrada muuqaal sameynta waxaan kula wadaagi donaa sida xifrada muuqaal sameynta online loogu shaqeysto (Freelance). 

Ugu horey waxaan sharxaad kooban ka bixin donaa video editing waxa uu yahay

Video editing waa muuqaal hagaajin, video aad ku duubtey cameradada ama mobile kaada si aad muuqaal kaas aad duubtey ugu saartid khaladaaka ku jira ayaa waxaa lagu magacabaa video editing.

Hada waxaad sidaan ku fahantey video editing waxa uu yahay sido kale si aad u baratid video editing maxaad u bahantahay hadii aad xifrada muuqaal sameynta aad rabtid in aad ku shaqeysatid waxaad u bahantahay Computer hadii adan shaqo ka rabin xifrada muuqaal sameynta waxaad isticmaali kartaa si aad u baratid Telephone kaada, qormadaan waxaan xooga saari donaa sida loogu barto video editing Computer.

Ugu horeyn si aad u guda gashid xifrada muuqaal sameynta waxaa muhiim ah in aad baratid astaamaha computer kaada sida Ram/Memory, Processor, Hard Disk, Display Size, Graphic Card, barashada astaamaha kor ku xusan wexey kaa cawineysaa in aad dooratid computer ka ku fiican muuqaal sameynta.

Computer ka aad u bahantahay si aad muuqaal hagaajin ugu isticmaashid astaamahaan ka fiiri

Processor -  Multi Core i5, i7,i9

Ram/Memory - 8GB, 16GB, 32GB

Hard Disk - SSD

Display Size - HD, 2K, 4K, 8K

Graphic Card - Nvidia GeForce RTX 3060 Ti, Nvidia GeForce GTX 1660 Super, Nvidia GeForce RTX 3080, AMD Radeon RX 6800XT, Nvidia Quadro RTX 4000,

Computer kaada astamahaan hadii usan laheyn micneheeda ma'ahan in adan ku baran karin video editing balse program yada gaar ee loo isticmaalo muuqaal sameyn waxaa laga yabaa in ay kuugu shaqeyn wayaan ama computer ka cules aad ka dareentid, Marwalba waxaa wanaagsan computer leh astaamaha aan kor ku so xusey.

Waxaad sidaan ku fahantey sataamaha computer ka loo isticmaalo Video Editing waxaad is weydineysaa halkee ayaan wax ka bilowaa ? Wax walba aniga ayaa kuu sharxaya ila joog.

Xifrada muuqaal sameynta si aad ugu shaqeysatid waxaad u bahantahay in aad baratid program yadaan hoos ku xusan.

Program yada ugu fiican dhanka muuqaal sameynta

1.Adobe Premiere Pro Cc

2.Final Cut Pro

3.DaVinci Resolve

4.Sony Vegas Pro

5.Hit Film Express

 

Program yada aan kor kuxusey hadii aad tahay qof video editing bilow ku ah haka bilawin kuwaan hoos aan kuugu so qorey ka bilow

 

Program yada laga bilaawi karo hadii aad tahay bilow

1.filmora 9, 10

2.Camtasia v9, 2021

3.Movavi Video Editor Plus

4.Movie Maker 10

5.VSDC

Program ka aan kuugu latalin lahaa barashadiisa waa Adobe Premiere Pro cc waana program heer sara ah kuwan kale hadii aad u bahantahay waad bararan kartaa balse waxaad xooga sartaa si aad ugu shaqeysatid xifrada muuqaal sameynta Adobe Premiere Pro Cc.

Sido kale waxaad is weydineysa sidee ayaan kula so degaa program yada badan kooda waa lacag

Program yada lagu sameyo muuqaalo tayadooda aad u sareysa lacag ayaa la iibiya balse aniga ayaa ku bari dona sida aad si bilaash ah ugu heli laheyed program walba loo isticmaalo video editing.

Website yada ugu fiican ee si bilaash ah program walba loogu so degsan karo

1.getintopc

2.igetintopc

3.pcwonderland

 

Program walba aad u bahantahay kala so deg website yada kor ku xusan.

 

Program ka aad rabtid marka aad la so degtid waxaad is weydineysa sidee ayaan ku baran kartaa program ka 

Meelaha ugu fiican si bilaash ah wax loogu baran karo program ka aad u bahantahay waxaa kow ka ah Youtube waxaad youtube ka bartaa casharo aad ku baran laheyed program ka aad u bahantahay ugu horeyn marka aad youtube wax ka bareysid ku baar luuqadada hooyo taasi wexey kaa cawineysaa in aad si fiican u baratid program ka aad u bahantahay barashadiisa sido kale hadii aad si fiican u fahantid luuqadaha khalaad mid ka mid ah waad ku baran kartaa, sido kale waxaad wax ka baran kartaa Website kuwa la so geliyo korsoyiin ka lacagta la iibiyo sida Udemy, Skillshare, website yadaan korsoyiin koda lacag ayaa la iibiya balse si bilaash ah waad ugu baran kartaa hadii aad u bahantihiin sida website walba koris lacag la iibiyo bilaash loogu baran karo qeybta hoose fariin iigu reeb waan so diyaarin donaa insha allah.

Koris si bilaash ah aad uga   baro barta  youtube Ee Muuqaal Pro

Xifrada muuqaal sameynta marka aad baratid waxaad isweydineysa sidee ayaan online ugu shaqeysan kartaa xifradaan ( FREELANCE )

Xifrada marka aad si fiican u baratid online waxaad ugu shaqeysan kartaa wadooyiin badan in aad dad meela kala duwan aduunka ka jooga in aad u hagaajisid muuqaal adigo gurigaa jooga shaqadaas waxaa lagu magacabaa Freelance waxaad account ka sameysaneysa webiste yada ugu caansan ee uu ka shaqeysan karo qof ah freelance.

website yada ugu caansan laga shaqeysan karo

1.Fivver

2.Upwork

3.People Per Hour

4.Freelancer.com

5.Guru

Ugu dambeyn xifradaan hadii aad ubahantahay in aad meel sare ka gaartid waa in aad dadaal badan sameysaa sido kale xifrada hadii aad si wanaagsan u baratid macalin ayaad noqon kartaa sidaas lacag waad ugu sameyn kartaa ama in aad warbaahin u shageysid ama company in aad video editor u noqotid, xifradaan janis keeda waa uu badanyahay hadii aad xiiseysid Guul Ayaan Kuu Rajeyneyaa Insha allah.

SHARE DHEH HADII AAD KA FA'IDEYSATEY 

Ma jiraa software kale aad u bahantahy? Jawaabtada hadii ay haa tahay qeybta hoose iigu reeb fariin.

 

Post a Comment

Previous Post Next Post