|
|
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Baamiyah
Baamiyaha wuxuu qani ku yahay ama ka buuxo fiitamiinnada A iyo C, iyo sidoo kale antioxidants kuwaas oo gacan ka geysta dhimista halista xaaladaha caafimaad ee sida kansarka, sonkorowga, istaroogga, iyo cudurrada wadnaha. Baamiyaha sidoo kale waa isha wanaagsan ee laga helo Magnesium.
| Baamiye |
Baamiyaha waa cunto ama miro nafaqo leh oo leh faa'iidooyin
caafimaad oo badan. Waxay qani ku tahay magnesium, folate, fiber, antioxidants,
iyo fitamiin C, K1, iyo A. Baamiyaha waxa
laga rabaa inay ka faa'iidaystaan haweenka uurka leh, wuxuuna u fiican yahay caafimaadka wadnaha,
iyo xakamaynta sonkorta dhiigga. Waxaa sido kale oo ka hortagaa
kansarka.
Baamiyaha wuxuu ka mid yahay
dhirta ku baxa waraabka ama biyaha,
wuxuuna lee yahahy miro la cuni karo. Waxay si fiican ugu baxaa ama koraa
cimilada diiran waxaana badanaa lagu beeraa ama ka baxaa Afrika iyo Koonfurta
Aasiya.
Baamiyaha inta badan
waxaa loo isticmaalaa sida khudradda oo kale.
Faa'iidooyinka Caafimaadka
Baamiyaha waxaa ku yar
kalooriyooyin laakiin waxaa ka buuxa nafaqooyin. Faytamiin C ee ku jira Baamiyaha
wuxuu caawiyaa taageeridda shaqada difaaca caafimaadka Jirka. Baamiyaha waxa
kale oo uu qani ku yahay fitamiin K, kaas oo ka caawiya jidhkaaga inuu
xinjiroobo dhiigga.
Qaar ka mid ah
faa'iidooyinka caafimaad ee kale ee Baamiyaha waxaa ka mid ah:
Baamiyaha waxaa ku jira antioxidants loo yaqaan polyphenols, oo ay ku jiraan fiitamiinada A iyo C. Waxa kale oo ku jira borotiinka loo yaqaan 'lectin' kaas oo joojin kara koritaanka unugyada kansarka ee bini'aadamka. Daraasado la sameeyey isku-dhisyo uruursan oo laga helay Baamiyaha waxay muujiyeen inay hakiyeen korriinka unugyada kansarka naasaha ilaa 63%.
Wuxuu hoos u dhuga kolestaroolka
Baamiyha ayaa la ogaaday
inay hoos u dhigto heerarka kolestaroolka ee jiirarka qaba xanuunka macaanka.
Cuntooyinka ay ku jiraan maadada faybarku ku badan tahay iyo tayada antioxidant-ka ayaa lagula talinayaa kuwa qaba cudurka macaanka sababtoo ah waxay hoos u dhigaan kolestaroolka.
Marka heerarka
kolestaroolka sare lagu daro sonkorowga, aragtidu ma fiicna. Taasi waa sababta
ay aad muhiim ugu tahay in la hubiyo in cuntadaadu leedahay heerarka
kolestaroolka caafimaadka leh.
Wuxuu U fiicanyhay Caafimaadka Wadnaha iyo Maskaxda
Polyphenols waxay hoos u dhigtaa halista dhibaatooyinka wadnaha iyo istaroogga iyagoo ka hortagaya xinjirowga dhiigga waxayna yareynayaan waxyeellada Wadnaha iyo Maskaxda.
Xakamaynta Sonkorta Dhiiga
Daraasado kala duwan ayaa
sheegaya in Baamiyaha laga gacan ka
geysato xakamaynta heerarka sonkorta dhiigga. Cilmi-baarayaashu waxay rumeysan
yihiin in Baamiyuhu ay ka caawin karto ka hortagga in sonkorta la nuugo inta
lagu jiro dheefshiidka.
Taageerada dhalmada ka hor
Hal koob oo Baamiya ah
ayaa leh 15% folate, iyo nafaqo waxtar u
leh haweenka uurka leh. Folate waxay caawisaa dhimista halista cilladaha
tuubada neerfaha, taas oo saameyn karta maskaxda iyo laf dhabarta koritaanka
uurjiifka.
Waxaa ka Buuxo Nafaqo
Baamiyaha wuxuu qani ku yahay fiitamiinnada A iyo C, iyo sidoo kale antioxidants kuwaas oo gacan ka geysta dhimista halista xaaladaha caafimaad ee halista ah sida kansarka, sonkorowga, istaroogga, iyo cudurrada wadnaha.
Baamiyaha sidoo kale waa
isha wanaagsan ee laga helo:
- Magnesium
- Folate
- Vitamin A
- Vitamin C
- Vitamin K
- Vitamin B6
Nafaqooyinka Halkii mar aad Isticmaasho
Hal koob oo Baamiya ah oo la karkariyey ayaa ka kooban:
- Calories: 35
- Protein: 3 garaam
- Dufan: 0 garaam
- Carbohydrates: 7 garaam
- Fiber: 4 garaam
- Sonkor: 4 garaam